Faraqa 1aad: Taabashada
Gacanta
Taabashadu waa dareen aad ka
dareemayso gacanta marka aad adeegsanayso gacanta. Balse sifadani waa sifada
ugu muhiimsan ee kala soocida waxsoosaarka (Products) loo kala soocayo Alaab
(Goods) iyo Adeeg (Service). Alaabta (Goods) waa la taaban karaa, gacantana
waad ku dareemaysaa halka adeega (Service) aanad taaaban karin, gacantana ku
dareemi karin.
Faraqa 2aad:
Kaydinta.
Kaydinta ayaa ah sifada labaad ee
lagu kala sooco amba lagu kala garto Adeega (Service) iyo Alaabta
(Products). Waxaynu si fiican uga dharagsanahay in Waxsoosaarka loo kala
qaybiyo labada nooc ee Adeeg iyo Alaab. Sidoo kale waxaynu ognahay in alaabtu
nooc kasta oo ay tahay la kaydin karo si loo isticmaalo mustaqbalka. Tan cagsigeeda
waxa ah oo aan la kaydin karin si mustaqbalka loo isticmaalo waa adeega
waayo adeega shakhsi ayaa qabta oo inta shaqsiga la heli karo ayuunbaa laga
faa’idaystaa.
Faraqa 3aad: Wareejinta
Lahaanshaha
Lahaanshugu waa mulkiyada qofka bini
aadamka u sugta inuu u isticmaalo wax kasta oo mulkiyadiisa leeyahay sifada uu
rabo. Inkasta oo mulkiyada la wareejin karo hadana waa sifo asaasi ah oo
iyaduna ka soocda laguna kala garto Adeega iyo Alaabta. Aan ku horeeyo Alaabta,
mulkiyada Alaabta waa la wareejin karaa, waana mid ku wareegi karta.
Alaabta waxa mulkiyadeedu ku wareegtaa hadba qofkii iibsada, waxaana ay
mulkiyadu ku wareegtaa heshiis laba dhinac ah, iibiye iyo iibsade, iwm. Dhinaca
kale, mulkiyada Adeegu maaha mid ku wareegta kala iibsi ee waxa ay ku wareegi
kartaa barasho amba tababar. Balse si aad u hesho adeega hadaanad aqoon waa
inaad mushkhayada siisaa qofka yaqaana adeega.
Faraqa 4aad: Dabciga
Muqaal ahaan
Muuqaalku waa dabciga aragtida qaab
ahaan indhaha laga arko waana faraqa afaraad ee lagu kala saaro Alaabta iyo
Adeegyada. Ugu horayn, Alaabta (Goods) muuqaal ahaan waa la arki karaa halka
adeegu (service) aanuu lahayn muuqaal indhaha lagu arko. Adeegu waa waxqabad
amba hab wax loo qabto oo kooban.
Faraqa 5aad: Wakhtiga
u dhexeeya Soosaaristooda iyo Isticmaalkooda
Alaabta iyo adeegu waxa sidoo kale
ay ku kala duwan yihiin wakhtiga lagu soo saaro iyo wakhtiga la isticmaalo.
Tusaale ahaan adeega waxa la isticmaalaa isla wakhtiga la soo saaro amba la
qabto, halka Alaabta uu wakhti u dhexeeyo soosaaristooda iyo isticmaalidkeeda.
Faraqa 6aad: Ka
Soocida Mulkiilaha
Kala soocida ayaa ah sifada 6aad ee
lagu kala garto adeega iyo alaabta. Adeega (Services) lama kala sooci karo
adeega iyo cidda bixinaysa waayo waa xirfad uu gaar ahaan u leeyahay. Dhinaca kale,
Alaabta iyo cidda iska leh waa la kala sooci karaa maadaama oo ay tahay alaab
la taaban karo.
0 Comments