Ganacsigu waa hanaanka gadashada iyo iibinta ee alaabta amba adeegyada iyada oo la isku dayayo in laga gaadho faa’ido.

Hadaba ganacsigu waa muhimad ayuu u leeyahay bulsho weynta dunida, maadaama oo baahida bini’aadamku ay sii kordhayso markasta oo xadaaradiisa amba aqoontiisu ay sare u sii kacdo.

Sida ku cad xaga sare wax kasta oo laga ganacsadaa waa laba mid kood uun. Alaab amba adeeg. Labadan ayuunbaa ninka hayaa amba xirfada lehi iibiyaa, halka shakhsiga u baahanina uu iibsado.

Marka aynu u nimaadno Alaab (goods) waa wax kasta oo leh astaan la taaban karo, oo isla markaana aad hawl ku fushan karto. Sida computer amba mobile. Halka uu adeeguna yahay wax kasta oo aanad taaban karin balse u baahan xirfad si aad u isticmaasho. Sida ku shaqaynta computerka. Waa xirfad u baahan inaad taqaano oo aad ugu adeegi karto dadka kale adiga oo isla markaana tabacanaya lacag.

Sidoo kale ganacsigu kaliya maaha inaad wax iibin karto amba aad iibsan karto oo kaliya balse waxa muhiima inaad aqoon u leedahay ganacsiga amba sida loo hurimarin karo. Kobcinta ganacsiga iyo inaad sare u qaadi karto ganacsigaagu waa xiisad gooniya oo sideeda loogu takhasuso, waxaanay u baahan tahay inaad aqoon u leedahay ganacsiga iyada oo ay soo galayaan daraasado farabadan oo ay ka mid yihiin maaraynta, maamulka, xisaabinta, suuqgeynta iyo soo saarista alaabta, naqshadaynta, iyo aqoonta internetka iwm.

Tusaale ahaan, Alaabta waxa ka mida, birta, looxa, saliida qaydhin, macdanta, kuraasta, shidaalka, computerka, kubadaha, mashiinka iwm. Dhinaca kale, adeega waxa tusaale u ah adeegyada ay bixiyaan: banigiga, isgaadhsiinta, Dhakhtarka, askariga, macalinka, xisaabiyaha, maamulaha, maareeyaha, wastaadka, nijaarka, laxaamadlaha, rinjiilaha, sariflaha, la talinta, xamaalka, qoraaga, suxufiga, sawir qaadaha, taksiilaha iwm. Waxase muhiima inaad inaad ogaato adeegu inuu sidoo kale ku tiirsan yahay alaabta la soo saaro amba la iibinayo.

Adeegyadan badankoodu waxay u baahan yihiin amba lagama maarmaan u ah marka la qabanayo in la adeegsado alaabaadka qaarkood. Tusaale, macalinku waxa uu adeegsadaa sabuurad ah alaab la soo sameeyey, digtoorku waxa uu u qoraa dadka bukaanka ah dawooyin uu aqoon u leeyahay xanuunka ay biinayaan, wastaadku waxa uu adeegsadaa si uu u dhiso guri laban, sibidh, ciid iwm. Sabuurada, dawada, sibidhka iyo ciiduba waa noocyada qaar ka mid ah alaabta waana la iibiyaa. Muhimadu waa markasta oo uu adeegu sii bato waxa sii kordha alaabta iyo kala iibsigooda. Taa badalkeeda marka alaabta soo saaristeedu amba kala iibsigeedu farabadato waxa hoos u dhaca qiimaha alaabta waayo way noocyo badataa. Ka bacdina waxa yaraada sixir bararka wadanka.

 

Mohamed Abdi Jama

+252634136625

mcjaama@outlook.com